الأربعاء، 14 يناير 2015

!??Hogaaminta M.Axmed Siilaanyo

  Aragtida hogaaminta M.Axmed siilaanyo waa lagu kala duwan yahay, marka laga tago dhaliilaha mucaaridka xukun doonka ah .
Laakiin laguma kala aragti duwana ,taariikhdiisa faca wayn,miisaanka iyo culayska uu ku dhex leeyahay bulshada somaliyeed guud ahaan, iyadoo lagu tiring karo siyaasaga ugu culus hada siyaasiyiinta geeska afrika .
Waxa siilaanyo lagu tiriyaa Hogaamiye dhiiran,marka la eego taariikhdiisa hore,isagoo ahaa siyaasigii ugu miisaanka waynaa ee ku biira ururkii SNM, kana badheedha hankiisa mucaaridnimo, waxa kale oo lagu tirin karaa Siyaasigii hogaamiyay mucaaridka dimuqraadi doonka  Somaliland wakhti dheer, kana midho keenay .
Hogaanka kulmiye ee Mucaarid doonka waxa uu fadhiyay wakhti ku dhaw 8 sanadood, waxana uu isticmaalay xeelad kasta oo kursiga uu ka gaadhi karo ,taasina waxay saamayn laxaad leh ku yeelatay maamulkiisa maanta.
Xaga horumarka waxa la tilmaami karaa dhismayaasha bilicsan ee uu kusoo kordhiyay xarumihii Dawlada , xoogaa wadooyina oo uu dibu kabis ku sameeyay,shaqaalihii Dawlada oo laban  laabmay 8000  ilaa 16000, lacagiihii uu ka bedelay gobolada bari iyo waxbarashada oo qaybo ka mida lacagta laga daayay.
Laakiin waxa qalooc galay nidaamkii Doorashooyinka dalka, hanaankii Axsaabta qaranka ,hab maamulkii golaha Wasiirada ,xoriyadii saxaafada, saami qaybsigii  beelaha , nidaamkii ka hortaga khilaafyada iyo mudahaaradada oo kusoo af-jarma RRU.
Waxa kale oo hogaaminta madaxwayha laga rabay, sharci sixid , cadaalad dhisid, dumuquraadiyad adkayn,kala xadaynta ganacsiga ,la dagaalanka musuq-maasuqa iyo la dagaalanka Qabyaalada, balse dhinacyadan waxba kama sixin.
Somaliland hada waxa bari ka socday hawl-galo ciidan, waxana kusoo biiray galbeed, balse Madaxwayne siilaanyo muu qaadan talaabooyin siyaasadeed oo lagusoo af-jari karo khilaafyadaa baahsan.
 Shirkii jabuutina dulucdiisu waxay ahayd, kala daadinta Somaliland iyo siilaanyo in la hordhigo halka Somaliland ay marayso bari iyo galbeed.
Hadaba waxa magaalad Hargaysa ka socdo shirar lagaga arinsanayo Murashaxii bedeli lahaa Axmed siilaanyo, xisbiga kulmiye dhexdiisa, waxana siyaasada Somaliland ku cusub madaxwayne doorasho u taagan in la yidhaa dabadii ayaa cid lasii cumaamdayaa !
Waxaan daawaday shirkii jaraaid ee madaxwayne siilaanyo ku qabtay Madaarka hargeisa ,waxana uu ahaa 1.75 sikin , waxana uu gala sadex qalad, isagoo dawlada uu wada hadalada kula jiray ka dhigay Somaliland hadna ka  noqday,hadana is yidhi madaxwanaha jabuuti u mahad celi oo kii somaliya lasoo  booday, ugu danbayna is yidhi hadalka uga  bax wasiirka arimaha debada oo wasiirka madaxtooyada u yeedhay bal ila fiirsada !!! 
2 daqiiqo madaxwana waxay ku ahayd dhib waanu ku haftay ee bal ka sitee !!!!!