الأربعاء، 14 يناير 2015

Qoomiyada Soomaaliyeed maaha Carab

                                Somaliya waa qoomiyad leh dhul,luuqad, dhaqan iyo midab u gaara , wax carab si gaara ugu xidhayaa ma jiraan,diintuna waxay ka dhaxaysaa dhamaan Muslimiinta .
Lama hayo abtirsiimo saxa oo tilmaamaysa halka soomalidu kasoo jeedo dhab ahaan, waxana muran dhaliya cida dhabta ah ee somaalidu kasoo jeedo, balse murankaasi maaha mid macne wayn u samaynaya ummada somaaliyeed.
Waxa caalamka jira qoomiyadu tiro badan oo sidooda u taagan, sida  qoomiyada Turkiga ,Faarisiga,Kuurdiga , waxana haboon sida qoomiyadahaas in somalidu si madax banaan  isu-taagto.
Waxa ugu wayn ee dad qoomiyad ku wada noqdaan luuqada, hadaba luuqada Carabiga iyo luuqada Somaaligu aad ayay u kala fogyihiin dhawaaq ahaan, eray ahaan iyo suugaan ahaanba , waxana la tilmaamay luuqada soomaligu inay tahay luuqad fac-wayn taariikh ahaan.
Madaxbanaanida qoomiyada soomaliyeed, ma horseedayso nacayb iyo colaad loo qaado carabta , mana dhiiri gelinayso, kala fogaansho iyo kala durug, balse waxay dhiiri gelinaysaa, xidhiidh siman oo ay wadaagaan labada qoomiyadood.
Waa dhab inay wadaagaan qoomiyada somaliyeed iyo qoomiyada carbeed Diin iyo Dano, balse taasi kama dhigayso kuwo isku qasban mar walba inay dhan u wada jeestaan,waxa jiri kara qoomiyado kale oo lala wadaagi karo Diinta iyo Maslaxada, sida qoomiyadaha aan kor ku xusnay.
Somaliya wax badan ayay ku wayday markay qoomiyada carbeed ku biirtay, waxana arintaasi dhiiri gelisay cadaawad kaga timi qoomiyadaha Afrika ,Aasiya,Amerika ,waxana colaad loogu qaaday qadiyadaha qoomiyada carbeed khuseeya ee aan diinta iyo caqiidada ku dhisnayn,sida biyaha Niilka iyo muranada dhuleed ee u dhexeeya carabta iyo Eeraan.
Sidoo kale ku biiristii carabtu waxay Somaliya seejisay taabo gelinta qoomiyadeeda madaxa banaan,waxayna ku keliyaysatay difaaca qadiyado aan khusayn oo carabta u gaar  ahaa.
Lacagta sucuudigu ugu deeqay Lubnaan halsano oo keliya, ayaa ka badan lacagta carab oo dhami ugu deeqday somaliya intay jirtay , waxana sucuudigu ugu deeqay sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 lacag dhan 1 billion oo doolar .
Tusaalaha lubnaan waxa uu marag u yahay halka somaliya ay ka taagantahay carabnimada, waxana la gaadhay xiligii laga bixi lahaa Qoomiyada Carbeed iyadaan xisaab dheer lagusiii daalin .