السبت، 17 يناير 2015

??Maxay wadaagaan Kuluc iyo Cigaal



Ifku maalina waa dhalasho, maalina waa dhimasho, maalina waa ciyaal, maalina ciroole,caafimaad iyo xanuun,halgan iyo nabad, guur iyo kala noqosho,ab iyo abtiyaal,macalin iyo arday,dumar iyo rag,colaad iyo samaan,xirfad iyo xirfad maamule,qubanaha iyo waayaha noloshaa ninba meel lagu xasuustaa, rabi haw naxariisto Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa .



Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ahaa Tiir kamida tiirarka Fanka Somaaliyeed ,waxana uu ku lahaa luuq macaan iyo masrax fuul cudoon,heeso miida iyo majaajilooyin sare ,haybad iyo magac,taariikh iyo miisaan.
Waxa uu ahaa Axmed Maxamed Kuluc astaan qaran iyo muuqaal dhaqan,horseedkii iyo macalimiintii Fanka,xidig ku suntan taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxa qalinka u qaatay tariikhda Maxamed Axmed kuluc qoraaga wayn iyo ruugcadaaga Boobe yuusuf ducaale ,balse waxa uu ku jiray hobolkani fanaaniinta sida gaarka ah ii qanciya
Waxaan ka helaa midhaha iyo heesaha uu ku qaado luugdiisii dabacsanayd,dhoolo cadayntiisii iyo hab wadaagiisii heesaha talantaaliga, rag iyo dumar,xaragadii iyo muuqaalkii tiyaatarka uu ku lahaa ,waxaan jiibtiisa ka dareemaa codka somaliyeed sida aan soomalinimada uga dareemo codkii Tima cade .
Fanka iyo Fanaaniinta somaliyeed waxa ku haboon falanqayntooda iyo taariikhdooda, dadka fanka u dhuun daloola ,aqoonta iyo cilmigana u leh,balse xiliyada qaar, waxa qalinku iila galaa, dareenka iyo jacaylka aan u qabo, tiir kamida tiirarka fanka ee aniga sida gaarka ah ii dareen geliya .
Inkastoo taariikhda Maxamed Axmed Kuluc looga danbeeyo, dadkii Fanka ay kuwada jireen, iyo Macalimiinta Suugaanta wax ka qora, hadana waxaan jeclaaday inaan iska taago, fanaankan taariikhdiisa, dhinca uu la wadaago ruugcadaagii Siyaasada somaliya, Maxamed  ibraahim cigaal oo ay ahaayeen ilmaabti iyo qaraabo dhaw.
Waxaanu saaxiib dhaw ahayn Siciid C/laahi Axmed kuluc, oo adeerkii ruma uu ahaa Maxamed Axmed Kuluc, waxana mucjiso igu noqotay, markaan ogaaday in Siciid aabihii C/laahi iyo adeerkii Maxamed wakhti dhaw kala horeeyeen, oo ku siman 10 cisho, rabi naxariistii labadaba haka waraabiyee.
Siciid mudo dheer, xidhiidh maanu yeelan, balse waxa uu ahaa nin waxbarasho iyo saaxiibtinimo qoto dheer aanu soo wada qaadanay, si gaar ahna aan u xasuusto.

Cigaal iyo Kuluc waxay ku wada dhasheen degmada Oodwayne ,balse waxay kala dhasheen sanado kala duwan, isagoo cigaal ka waynaa Maxamed,laakiin ilmaabti ku ahaayeen xaga qaraabada, oo Maxamed edadii dhashay cigaal, aabihiina abti u ahaa.
Xaga qoyska, waxa mid waliba guursday sida la tilmaamo shan dumara,laakiin waxay ku kala duwanaayeen xaga majaalka ,isagoo Cigaal kusoo baxay siyaasada ,Axmedna dhinaca Fanka .
Siyaasada iyo Fanka, waxay ku kala noqdeen, xidigo iyo horyaalo lagu hirto , waxana Cigaal kor u fuulay Salaanka Siyaasada, ilaa uu ka gaadhay figta, halka Maxamedna uu dhex maaxay badwaynta suugaanta ilaa uu ka mudhay.
Waa horyaaladii Talada iyo Fanka ee lixdankii, iyo gadhwadeenadii Suugaanta iyo siyaasada ee kontanka sano ,waxana lagu ladhaa khudbadihii Cigaal isbedeladii siyaasada somaliya, halka heesihii Maxamedna lagu dhegaysto muusiga Soomaliyeed.
Ummada waxa lagu hogaamiyaa Fan iyo Siyaasad, waxana looga arimiyaa Madaxtooyo iyo Tiyaatar,waxana labada golaba laacibiin ka ahaa labada Maxamed ee magaca wadaaga ,Maxamed X.ibraahim cigaal iyo Maxamed Axmed kuluc.
Cigaal iyo Kuluc waxay Ummadda soomaliyeed uga tageen Khudbado iyo Suugaan dhaxal gala ,waxana ay wadaagaan 20 sano oo Fanka somaliyeed dunsanaa iyo labatan sanadood oo Siyaasada soomaliya inqilaabnayd.
Cigaal iyo Kuluc waa laba Mukhadram, dhinaca siyaasada iyo Fanka, waxana ay la noolaadeen kala xorowgii Somaliya ee gumaystaha , isku biirkii Somaliya iyo Soomaliland ,kala noqoshadii Somaliya iyo Somaliland ,waxana uu mid waliba dareen iyo taariikh la wadaagay Ummada somaliyeed oo dhan.


Tacsi iyo duco ha gaadho qaraabadii ,Ehelkii iyo dhamaan Ummadda somaaliyeed ee uu ka baxay Maxamed Axmed Kuluc .
C/raxman Doob