1.
Rasuuladii hore waxa loo diri jiray Qoomkay ka
dhasheen balse rasuulka waxa loo diray caalamka oo dhan,kala
luuqad,deegaan,midab, diin,masaalix ,siyaasad,dhaqan iyo hayb.
2.
Rasuuladii hore waxa
lasoo saari jiray xili isku dhaw,balse rasuulka waxa lasoo saaray wakhti ka
durugsan rasuuladii hore ,caalamkana ay aad ugu faaftay diin la’aanta iyo
taag'darada diimihii hore.
3.
Rasuulku s.c waxa uu
soo baxay iyadoo caalamka ka taliyaan xadaarado waawayni balse waxa uu kasoo
baxay Makka oo xadaarada ka jirtay aad daciif u ahayd .
4.
Rasuulku s.c waxa uu
kasoo baxay deegaan diin ahaan aad u burbursan ,kamanasoo bixin qoom wax ka
haystay diimihii hore sida Yuhuuda iyo kiristaanka .
5.
Rasuulku s.c waxa uu
kasoo baxay deegaan qabyaalada aad looga tix geliyo ,kala qaybsanaanta
bulshadana lagu saleeyo haybta ,taasina waxay ahayd duruuf adag sidii dadkaa
looga saari lahaa dhiiga kala soocay.