الثلاثاء، 20 يناير 2015

Dharaarihii adkaa ee Soo maray Nebi Maxamed ..nnk..2


6.  deegaanka rasuulka lagasoo saaray, waxa laga aaminsanaa ilaahyo tiro  badan,diinta rasuulkana waxa saldhig u ahayd kelinimada rabi,waxana dhib ahayd khilaafka ugu horeeyaa inuu ka bilaabmo, kelmada ugu horaysa ee kaasoo baxda rasuuka, oo si cad u deedafaynaysay waxay aaminsan yihiin reer Makka.
7.Rasuulku malahayn aabo, hooyo, walaal ,iyo xoolo uu dadka ku hanto ama lagu qadariyo.waxayna arintaasi horseeday, in si fudud loo dhibaateeyo, laguna dhiirado. iyadoo looga faaiidaysanayo, kaaliintii aabo la’aanta ,hooyo la’aanta iyo walaal la’aanta .
8. bulshada Makka, waxa ka jiray, nidaam adag, oo aan ogolayn, Sinaanta: haybta ,rag iyo dumar,qani iyo faqiir,madax iyo shacab,yar iyo wayn.waxana dacawada rasuulka xudun u ahayd, sinaanta iyo hal mar in lawada sujuudo,lawada rukuuco.waxana arintaasi ku adkaatay, qaybihii kala duwanaa, ee bulshada Makka, iyo maslaxadii ku duugnayd kala sarayntaa .
9.bulshada Makka, waxa ku fududaa dilka ,waxana galka ka saaraa Seefta ,siyar oo fudud baa, qofka looga jari jiray xawda.waxana rasuulka la coloobay, dhamaan bulshadii iyo hogaankii Makka, waxana rasuulka la daris ahayd, feejigni iyo digtoodni uu ka qabay, shacabkaa hubaysan ee dhegaha xidhan ,taasina waxay rusuulka ku xeertay duruuf adag.

10. rasuulku waxa uu kasoo baxay, bulsho lagu manaysatay aftahanimo ,waxana ku badnaa afmiishaarka iyo suugaanyahanka,waxana rasuulka lagu furay, dacaayado kala duwan iyo borobagaanado adag,iyadoo bulshada kolba dacaayada rasuulka si iyo waji loogu gudbinayo ,gabay ,hees,buraanbur, xiliyada qaarna lagu tilmaamayo waali,gabayaa,faqiir,sixiroole,iwm, waxana rasuulka ku xeerayd duruuf adag oo ceebayn iyo dacaayada.>>>