11.
dacwada rusuulka waxa sees u ahaa wadahadal iyo dood,waxana arintaasi shaki
gelisay doodii lagu falanqeeyay Sanamadii iyo dhagaxaantii
lagu caabudayay Makka,waxana qurayshi qaaday talaabo arintaa lagu joojinayo iyagoo
rasuulka ka dacweeyay adeerkii,kana codsaday in loo amaan geliyo ilaahyada, hadii kale jawaab ka bixin doonaan,arintaasi waxay ahayd doodii
rasuulka oo lagu hor-istaagayo caga juglayn, waxayna ahayd duruuf adag.
12.
dacawada rasuulka bilawgii waxa ku biiray dad tiro yar ,waxana qurayshi go’aan
ku gaadhay ciqaabta iyo cadaabta la marinayo dadka raaca rasuulka ,waxana
rasuulka soo foodsaartay duruuftii adkayd ee lagu hayay saxaabadiisa iyo intayar ee
rumaysay .
13.waxa
rasuulku labanlaabay dacwadii iyo baaqii diinta ,waxana qurayshi ka yaabtay
hawl-karnimada rasuulka,waxayna go’aan ku gaadheen rasuulka in loogu bedelo
diinta cusub ee uu wato dhaqaale badan iyo boqortooyo balse rasuulku waa ka
diiday, waxayna bulshada dhexdeeda ka ahayd sheeko layaab badan .
14.dadaalkii
rasuulku waxa uu cadho geliyay quraysh ,waxana rasuulkoo tukanaya madaxa iyo
qoorta go kaga duubay Cuqba binu abii
mucayad isagoo is leh ku bakhtii rasuulka, waxana kasoo gaadhay abii bakar ,oo
ka riixay cuqba, isagoo leh ma waxaad dilaysaan nin sheegay rabigii inuu yahay ilaahay,waliba xujo iyo doodna wata.
15.
waxa rasuulka cabasho soo gaadhsiiyay tiro ka mida saxaabada, iyagoo ka
codsaday wax inay iska dhiciyaan, laakiin duruufta Makka ma dhiiri gelinayn
difaac iyo iska caabin ,waxana rasuulku faray saxaabada dulqaad iyo dhabar adayg, iyadoo duruuf adag ku ahayd qof laga gardaran yahay in lagu amro sabir.