16. magaalada Maka waxay ahayd goob laga barakaysto ,waxana isugu iman jiray dhamaan qabiilada carab iyo haldoorkooda ,waxa rasuulka uga qorshaysnaa inuu la kulmo wafdiyada carbeed, kana dhaadhiciyo dacwada iyo diinta islaamka, laakiin arintaasi waxay ku beertay Quraysh cabsi iyo walaac, waxayna arintaa kaga hortageen dacaayad iyo borobogaando ay ku fureen dacwadii rasuulka, iyagoo ku qanciyay wafdiyadii inaanay la kulmin rasuulka,taasina waxay ka dhigtay kulankii rasuulku la qaadan lahaa wafdiyada mid adag ,iyadoo cunaqabatayn saartay dacwadii rasuulka ee ku wajahnayd debeda .
17.waxa Qurayshi ergo culus
u dirtay Abii daalib oo ahaa rasuuka adeerkii, waxayna u sheegeen in la gaadhay
xiligii uu faraha kala bixi lahaa Moxamed diinta cusub ee uu wado ,waxayna si
cad goobta uga sheegeen inay talaabo culus ka qaadayaan hadaan arintaa wax iska
bedelin,waxana indhaha rasuulka kasoo daatay ilmo isagoo eegaya wajigii
adeerkii, waxana uu yidhi “ walaahi hadii gacanta midig lay saaro qoraxda,
gacanta bidixna dayaxa, kama tegayo dacwadan ilaa ay socoto ama aan dhinto”.
18.waxa Qurayshi rasuulka
hor dhigtay in laysu tanaasulo ,isaguna wax ka tanaasulo diinta iyaguna ay wax
ka tanaasulaan,dhinac inuu diido wixii kagasoo aada tanaasulkuna waa arin dhib
badan,oo xiliyada qaar ka dhigaysaa dhinacaa mid gar daran ,hadii laga awood
roonyahayna hadalkeeda daa, islaamkuna ma ogolayn tanaasul,arintasina waxay
ahayd duruuf adag oo rasuulka waajahday.
19.waxa Qurayshi maleegtay
sidii rasuulka fashal ay ugu ridi lahaayeen dacwadiisa iyagoo qorshe cusub ka
dhigay rasuulka in lawaydiiyo su’aalo adag ,waxayna la kaashadeen Yuhuud iyo
Nasaara oo haystay diimihii hore ,waxayna kasoo qorteen su’aalo diimihii hore
jawaabo ka bixiyeen ,waxayna hor dhigeen
rasuulka,waxana wafdiga Yuhuuda kasoo qoray su’aalaha gadhwadeen ka ahaa Cuqba
binu abii Mucayad, waxa su’aalaha ka mid ahaa ka jawaab qisada ragii galay
godka (asxaabil kahfi )waxana rasuulka ku adkaatay ka jawaabka su’aal aan looga
waxynoon jawaabteeda,waxayna ahayd duruuf adag,waxayna Qurayshi ku diirsan
jirtay jawaab la’aanta rasuulka intaan waxyigu ka jawaabin su’aaslahooda.
20. Waxa Qurayshi rasuulka
ku furtay dood ku salaysnayd dhinaca Mucjisada ,waxaanay kula doodeen hadaad
Nebi tahay keen Mucjiso u dhiganta tii rasuuladii hore ,sida hashii nebi saalax
iyo kuwii Ciise ,waxana rasuuka dhib ku ahayd ka jawaabista mucjisooyinka sida
gaarka ah ay farta ugu fiiqanayeen ama ay ka rabeen rasuulka inay ku dhibaan.
