السبت، 24 يناير 2015

Dharaarihii adkaa ee Soo maray Nebi Maxamed ..NNK..5

21. Qurayshi waxay xoojisay talaabooyinkii ciqaabta ahaa,waxay qalinka ku duugtay cunaqabatayn ka dhana reer banii haashim oo ahaa qabiilkii rasuulka,waxana laga cunaqabateeyay dhinacyada nolosha oo dhan,ganacsiga ,guurka,iyo la dhaqanka ,waxana Abii daalib habeenkii furaashka u bedeli jiray rasuulka si aan gaadmo loogu dilin,waxana rasuulka iyo qabiilkiisa soo foodsaartay xaalad adag oo cabsi iyo nolol xumo isugu jirtay.
22. waxa rasuulka kusii kordhay colaadii quraysh, waxana loo furay labadiisii hablood, Ruqiya iyo umu Kalsuum,waxayna u kala dhaxeen Cutba iyo Cutayba oo ahaa ilma abii lahab,waxana arintaasi ahayd mid ka mida cadaadisyadii rasuulka lagu carqaladeeyay dacwadiisa .
23. Qurayshi waxay dhibtii rasuulka u wareejisay xaga Jaarka, iyagoo adeegsanaya xaaskii abii lahab Umu Jamiil ee hablahiisana Sodoh-da u ahayd,waxana Umu Jamiil ka buuxisay qolqolkii iyo dariiqii rasuulka qashin, iyadoo markay aragtana rasuulka la beegsata cay iyo af-lagaado xun ,waxana arintaasi ahayd dhib rasuulka la noqotay deris iyo jaar.
24. Qurayshi markay is hortaagtay dacwadii rasuulka waxa uu go’aansaday Daa’if inuu gaadhsiiyo nuurka islaamka,waxana deganaa qabiilka Saqiif oo ay gadhwadeen ka ahaayeen Cabdi-yaalayl,Mascuud iyo Xabiib, waxana cabdiyaalayl ku yidhi rasuulka “hadii ilaahay kusoo diray waxaaban jeexjeexi maryaha kacbada isagoo isla wayn,halka Mascuudna uu ku yidhi rasuulka “ ilaahay ma waxa uu waayay cidaan adiga ahayn, ugu danybana waxa hadlay Xabiib oo yidhi “ walaahi  jawaab kuma siinayo ,hadii aad tahay Nebi ,hadaad ilaahay ku been abuuranaysana maba haboona inaan kula hadlo” waxana rasuulka shiid iyo dhagaء kala daalay dadkii magaalada, waxana dhagaxa isaga dhigayay Sayid, iyadoo dhiigii rasuulka ka daatay cagiisah qooyay,waxayna ahayd maalin ku adag rasuulka nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

25.Markii Saxaabada qaar hirjro ugu baxeen dhulkii Xabashida, waxa Qurayshi diyaarisay rag ka daba taga  soona celiya Saxaabada, si loogu ciqaabo Maka, waxana  arintaasi cadaadis ku keentay dacwadii rasuulka gudo iyo debed.