26. Waxa rasuulku kasoo
laabtay isagoo niyad jabsan Daa’if ,waxana socdaalkiisii dacawiga ahaa ogaatay Quraysh,
waxayna balan ku qaadeen inaanu soo gelin Maka ,markii rasuulku soo gaadhay
meel maka u dhaw oo la yidhaa Xira waxa uu diray nin reer khusaaca ah isagoo ka codsaday ninka
la yidhaa Akhnas binu shariiq inuu magan geliyo, waxana Akhnas ku jawaabay inuu
yahay nin taxaaluf magaalada ku jooga oo aan waxba magan gelin Karin,waxa
hadana rasuulku magan gelyo ka codsaday Suhayl oo isaguna ku jawaabay in reerka
uu ka dhashay ee Caamir aanay heshiis xaga magan gelyada ah kula jirin reer
Kacab, waxa hadana rasuulku magan ka doonay Madcam binu cuday waxana uu ka
aqbalay magantii isagoo reerkiisii iyo caruurtiisii faray inay hubka soo
gurtaan,waxayna rasuulka kusoo gelbiyeen Kacbada oo ay fadhiyeen Qurayshi,
waxana Madcam la hadlay Quraysh isagoo leh; waxaan magan geliyay Maxamed ee
qofna yuu taaban, waxana abuu Jahal yidhi miyaad raacday mise waa magan,waxana
uu Madcam ugu jawaabay waa magan , waxana maalintaasi ahayd maalin adag oo
rasuulku ka gudbay.
27. Saxaabadii ugu hor
islaamay waxa ka mid ahaa qoyskii reer Yaasir, waxayna ka dhasheen jilib yar
balse waxay taxaaluf la ahaayeen reer banii makhsuum,markii Qurayshi ogaatay
waxa loo maleegay dhagar adag si ay ugu cibro qaataan dadkii islaamay, waxana
Yaasir iyo xaaskiisii Sumaya iyo waliba wiilkoodii yaraa ee Camaar la mariyay
ciqaab adag,waxa rasuulku soo dul maray iyagoo la ciqaabayo dhulkana la jiidayo,
waxana rasuulku ku yidhi “Sabra reer Yaasiraw balankiinu waa Jannadee” maalmo
ka dib wax Yaasir lagu dilay ciqaabtii ,xaaskiisii Sumayan waxa waran qudha
kaga jaray Abii Jahal, waxana warkii gaadhay rasuulka, waxayna ahayd maalin iyo
xili ku adag isagoo goob jooga in lagu hor laayo Saxaabada kuwii tabarta daraa
isagoon u hiilin Karin.
28.waxa rasuulka lasoo
deristay sanatkii tobnaad xaalad halisa oo meesha ka saartay garabkii iyo gaashaankii
ka hortaagnaa Quraysh oo ahaa adeerkii Abii daalib,waxana Abii daalib haleeshay
geeridii iyadoo uu ku dhintay gaalnimo,waxana dhamashadiisa iyo tawbada uu
seegay gilgishay qalbigii rasuulka, waxayna ahayd dharaar rasuulka ku adag.
29. Waxa geeridii Abii daalib
raacday geeri ku dhacday xaaskii rasuulka Khadiija oo ahayd tiirka labaad ee
rasuulka ku dhinac taagnaa dacwada, waxana ay ka danbaysay Abii daalib
laba bilood ,waxana rasuulka haleeshay
murugo daran, waxana loo bixiyay sanadkaa “sanadkii murugada” waxana uu ahaa Sanad
cusleeyay rasuulka.
30.Markii Abii daalib iyo
khadiiji is raaceen waxa rasuulka banaan ka helay Quraysh, waxayna ku sameeyeen
waxaan suurta gal ahayn maalmihii uu noolaa adeerkii abii daalib,waxa madaxa
rasuulka ciid ku shabay nin ka mida ragii maka, waxana rasuulku ku laabtay
gurigiisii ,markii ay aragtay gabadh uu dhalay waxay bilawday inay oohin is
xejin waydo, waxayna ka maydhay camuudii, waxana rasuulku ugu caqli celiyay
rabi inuu ilaalinayo ,waxayna ahayd maalin iyo dharaar adag.