31. dhagartii
Quraysh waxa soo afmeeray talana ku darsaday Shaydaan soo hulaabtay muuqaalkii
oday reer najida, waxana qurayshi badka soodhigtay Dilka rasuulka,xadhiga iyo
in lamastaafuriyo,waxana shaydaankii door biday tala ahaan dilka rasuulka,
iyadoo qabiilada Maka wadaagayaan dhiiga rasuulka, si aan cidina tunka ugu
qaadin eed gaara ,waxana la diyaariyay 100 wiil oo qabiiladoo dhan ka koobnaa
,waxana habeenkaasi ahaa habeen ku adag rasuulka.
32. waxa rasuulka la faray
ka bixida Maka oo ku waynayd qalbigiisa, waxana arintaasi ku ahayd mid adag,
waxana habeenkaa tegay furaashkii rasuulk Cali binu abii daalib, iyadoo
qurayshina diyaarisay dilka rasuulka,waxa rasuulkuna u xadhka xidhay sagootinta
magaaladii uu jeclaa ee Maka.
33. Waxa rasuulka iyo abii
bakar ka baxeen Maka, iyagoo dhuumasho ku fantay buurtii Qaaru-sawr ,waxayna galeen god buurta
ku yiilay,hogu waa mugdi,waxa dhex dulun-dulcaynaya Masas iyo
abeesooyin,laakiin rasuulka iyo saaxiibkii abii bakar waxa ku daba jiray cadaw
dhagar badan ,waxna abii bakar qaniintay abeeso, iyadoo ilmadii ka daatay
rasuulka gaadhay, waxayna ahayd dharaar ku adag rasuulka.
34.Qurayshi waxay dul
dhigtay madaxa rasuulka 100 geela oo ahaa xoolo qaaliya,waxana rasuulka cadaw u
noqday dadkii oo dhan,waxana raad guray intii xoolaha jeclayd iyo dhamaan farada
fuulkii carbeed,waxana qurayshi is dul taagtay godkii rasuuka iyo abii bakar ku
jireen ilaa abii bakar uu yidhi rasuulkii ilaahayaw hadii mid ka midi kabihiisa
eego wuu ina arkayaa balse rabi ayaa dhawray.
35. godka madaw ee sadexda
habeen rasuulka iyo abii bakar ku dhaxeen waxa ka daraa dariiqa Madiina oo
durugsanaa,waxana rasuulka dariiqa tusayay Cabdilaahi binu arayqid,waxa uu ahaa
safar daal badan, sahay yar, cabsi iyo welwelna leh .