36. rasuulku markuu yimi
Madiina waxa uu la kulmay bulsho sadex qaybooda u kala fadhida: Yuhuud ku
abtirasan jirtay diimihii hore,Mushrikiin iyo Muslimiin badhna Maka kasoo
qaxeen badhna baladka Madiina kasoo jeedeen, arintaa waxa rasuulku kala kulmay dhib
badan sidii loo ilaalin lahaa maslaxadooda iyo wada noolaanshahooda ,waxana
rasuulka u dheeraa qariib nimo, isagoon kasoo jeedin magaalada kuna abtirsan
deegaan ahaan.
37. Madiina rasuulka iyo
saxaabadu lamaysoo gelin xoolo,waxana baahida jirtay ahayd mid dhanwalba ka
muuqata ,waxana faqriga iyo daalka u dheeraa saxaabada iyo rasuulka Kaneecadii
Madiina oo ahayd mid khatar badan ,saxaabada Maka ka yimi iyo rasuulkuna hore
aanay u qoon.
38. dagaalkii Beder oo ahaa
dagaalkii ugu horeeyay ee rasuulku la galo gaaladii Maka waxa rasuulku gacmaha
kor u taagay isagoo baryaya rabigii guushana waydiisanaya waxana uu ku
ducaysanayay “rabiyaw hadaad halaagto intan yar dib dhulkan keligaa laguugu
caabudimaayo” waxana ka dhacay rasuuka go’ii saaraa garbahiisa ilaa abiibakar
rasuulka ku yidhi bes rasuulkii ilaahayaw waad bariday rabigaaye,waxana
saruulka ku adkaa labada ciidan oo tiro ahaan aad u kala badnaa,waxayna ahayd
maalin adag balse rasuulka iyo saxaabadu hanteen guushii ilaahay.
39.dagaalkii Oxod qaybtii
hore markii Muslimiintu ku gacansareeyeen, waxa aagii rasuulku ku balamiyay
baneeyay saxaabadii waardiyaha ka ahayd, waxana halkaa ka faaiidaysatay Khaalid
binu waliid oo dhabarjabin ku sameeyay Saxaabadii, waxana maalintaa halis
gashay noloshii rasuulka, isagoo dakhar kasoo gaadhay madaxa,ilkihiisa qaar
jabeen,dibntuna dilaacday ,waxana maalinkaasi ahaa maalinkii ugu daraa
rasuulka iyo saxaabada ee khasaara adagi dagaal kasoo gaadho .