الخميس، 12 فبراير 2015

Dharaarihii adkaa ee Soo maray Nebi Maxamed ..NNK..9



40.  Rasuulka iyo Saxaabada jabkii kasoo gaadhay Oxod, waxa dareen dhiiranaana ka qaadatay, qoys Yuhuuda ka mid ahaa, oo la odhan jiray reer Baniinadiir.waxay xidhiidh hoose la sameeyeen gaaladii Maka, waxayna rasuulka u maleegeen qorshe ay rabeen inay ku dilaan, iyagoo ka faaiidaysanayay balan rasuulku la lahaa, oo mag uu ku  gudoonsiinayay. waxay Fadhiisiyeen gidaar ku yaalay xaafadooda, waxayna ku tashadeen mid ka midi dhagax wayn inuu lasoo foolo xaga sare, rasuulkana dhakada kaga bashaaqiyo,waxana dhagaxaa gidaarkii lasoo fuulay nin la odhan jiray Camar binu jaxaash,waxa rasuulka wargeliyay malagul Jibriil, waxana rasuulku goobtaa uga kacay si degdega, isagoo sigtay.waxayna ahayd dharaar adag, oo ay heshiiskii kaga baxeen reer Baniinadiir, naftiisana galaafan gaadheen.
41.dagaalkii Axsaab, waxa magaala madaxdii muslimiinta ee Madiina kusoo duulay isbahaysi ka koobnaa kufaartii Maka iyo qabiilo tiro badan oo carab ahaa,waxana horkacaayay ciidan ka badnaa 4-kun oo askari oo uu hogaaminayay dagaal yahankii abuu Sufyaan,waxana rasuulku fadhi wada tashiya la yeeshay hogaankii sare ee saxaabada, iyadoo laga wada hadlay habkii loo difaaci lahaa madiina ,waxana aragti lagu qancay soo bandhigay saxaabigii Salmaan al faarasi, oo tilmaamay is  bahaysiyada noocaasa in lagaga hor tago god lagu wareeyo magaalada,waxayna maalintaasi ahayd maalin adag oo rasuulku u diyaargaroobayay difaaca madiina iyo maatidii muslimiinta.
42.dagaalkaa Axsaab, waxa rasuulka iyo saxaabda soo food saartay cabsi badan, markii ciidamadii soo dul degeen madiina,waxana u dheeraa gaajo iyo dhaqaala la’aan adag,waxay saxaabada iyo rasuulku qodayeen godkii iyagoon cunto cunin, waxana saxaabadu dhexda ku xidhatay dhagax, halka rasuulku caloosha ku xidhay laba dhagax,waxana maalintaasi ahayd maalin dhib badan oo kamida dharaarihii adkaa ee rasuulka soo maray.
43.Waxa dagaalkaa Axsaab la legdamayeen saxaabadu, iska caabinta gulufkii cadawgii debada kagasoo duulay madiina, oo tiro iyo tayaba badnaa, balse waxaa xaaladii dagaalka sii adkeeyay, markii rasuulka lasoo gaadhsiiyay fariin sheegaysay burur ku yimi heshiisyadii gudaha ee madiina, oo ay ka baxeen Yahuudii reer Baniiqurayda,waxana rasuulku diray isagoo hubinaya warkaa Sacad binu mucaad iyo Sacad binu cubaad, waxayna kalasoo kulmeen niyad jab iyo balan burin ,waxana arintaasi ku keentay rasuulka iyo saxaabada  dhabar jabin kaga timi ree Baniiqurayda,waxayna ahayd maalintaasi mid ku adag rasuulka iyo saxaabada, iyagoo kala dhex galay cadawgii gudaha iyo kii debada ah.
44. sanadkii lixaad ee hijrada waxa rasuulka soo gaadhay war tilmaamaya duulaan uu kusoo wado Xaaris binu nadir oo hogaaminayay qabiilkiisii Baniimusdaliq, waxa rasuulku kala hortegay dagaal uu ku baajinayo weerarka uu soo waday,waxana rasuulku ku guulaystay inuu kala eryo kana qabsado adoomo tiro badan, markii rasuulku kasoo laabtay dagaalka, waxa uu degay meel la yidhaa Marsiic, waxana ceel ka wada dhaansanayay laba saxaabi Jaahjaah al qafaari oo muhaajir ahaa iyo Wabar al juhani oo ansaari ahaa ,waxay isku cidhidhyeen ceelkii, waxana dhex maray dagaal ay u kala qayshadeen ansaartii iyo muhaajiriintii, waxana seefaha iskula yaacay labdii kooxood ,waxana u dhawaaqay rasuulkii oo leh “ma jaahilnimadii qabyaalada ayaad isugu qayla dirsanaysaan anigoo dhexdiina jooga, iska daaya way uraysaaye’waxana arintaa ku baraarugay saxaabadii oo intay seefihii daadiyeen laabta is saaray,waxana arintaa ka faaiidaystay C/laahi binu salool oo yidhi: madiina marka la gaadho ka sharafta badani waxa uu ka saari doonaa ka duliga ah. isagoo ceebaynaya rasuulka ,waxana hadalkaa ka cadhooday Cumar binu khadaab oo yidhi: rasuulkii ilaahayaw Cibaad binu bishri u dir qoorta haka jaree,waxana rasuulku yidhi: ka waran Cumaraw, marka dadku ku sheekaystaan Maxamed waxa uu dilaa asxaabtiisa ,waxayna ahayd maalin ka mida maalmihii adkaa ee soo maray saxaabada iyo rasuulka.