الثلاثاء، 10 مارس 2015

Naadiga Ardayda doorkan yaa ku guulsaysanaya

  


Naadiga Ardayda Somaliyeed ee dalka Masar waa goob sharciya oo metesha maamul ahaan dhamaan Ardayda Somaliyeed.
Naadiga Ardaydu waxa uu leeyahay Dastuur tilmaamaya habka loo marayo hab maamulka Naadiga ,waxana Dastuurkaa kaabis iyo wax ka bedel ku samayn kara labada gole ee Naadigu ka kooban yahay (idaaro iyo golaha guud ) iyadoo la waafajinayo kolba duruufta iyo baahiyaha ardayda .
15-kii sano ee ugu danbeeyay waxa naadiga lagula kala wareegayay nidaamka Doorashooyinka,  oo ku dhamaan jiray nidaamka Cod badiska ama Taskiyada ,waxana nidaamkaa kula kala wareegay dalka intaan joogay ilaa 10 gudoomiye:
1.      Gudoomiye cabdiqani.
2.      Gudoomiye sheekh cabdalla.
3.      Gudoomiye sheekh cabdisamed.
4.      Gudoomiye cabdiqaadir khayre.
5.      Gudoomiye cabdinaasir.
6.      Gudoomiye Caamir.
7.      Gudoomiye hoolaw.
8.      Gudoomiye ibraahim aw xasan.
9.      Gudoomiye Axmed.
10.  Gudoomiye abuukar .
Doorashooyinka naadigu waxay soo mareen dalka Masar intaan ku sugnaa laba nidaam oo dadku isu abaabulaan:
1.      Nidaam ku dhisan Fikir .
2.      Nidaam ku dhisan Deegaan ama maamulo .
Xiliyada qaar waxa is dhex galay labada nidaam ee wax lagu abaabulo, iyadoo laysku qasay deegaanka iyo fikirka ,xiliyada qaarna waxa loo arkayay fikirka laftiisu inuu deeganada qaar dabada ku hayo .
Fikiradii saamaynta ku yeeshay doorashooyinka naadiga waxa ka mid ahaa ,Islaax ,ictisaam,maxaakimtii,suufiya islaax garabka damu jadiid.
Doorasho kastaa markay imanayso waxay la iman jirtay dacaayado kala duwan,shirar iyo fadhi doceedyo ,waxayna dhamaan jirtay iyadoo si fiican loo tartamay, waxaan xasuusanahay markii ictisaam iyo islaax kala heleen 6/6, idaaradoo ka koobnayd 12 xubnood ,xiliyada qaarna waa lakala badin jiray, xiliyada qaarna waxa lagula kala wareegi jiray nidaamka Taskiyada.
Doorasho kastaa markay dhamaato waxay ka tegi jirtay kaftan iyo cabasho ,laakiin waxa laysla sugi jiray dhamaadka sanadka ama taxaalufka ku guulaystay inta uu ka burburayo .
Naadigu waa goob ka duwan Jimciyad,Markas iyo Urur si gaara dad gaari u samaysteen,waa goob kulmisa 5-ta Somaliyeed, waa goob astaan u ah dhamaan ardayda wax ka barata dalka masar,waa goobta keliya ee dalka masar u aqoonsanyahay metelaada Ardayda,sidaa darteed go’aanka naadiga iyo maamulkiisu kuma iman karo sifo aan ahayn Doorasho ama hala codeeyo ama taskiyo haku dhamaatee,waayo waa goob arday kastaa aragti ku leeyahay taladeeda.
Waxa laga yaabaa dadka qaar inay is waydiiyaan maxaa diidaya in lagu tago naadiga nidaamka (tawaafuqa )oo ah in dad lagu heshiiyay idaaro laga dhigo ?! way dhacdaa xiliyada qaar waana muuqaal ka mida muuqaalada taskiyada.
Nidaamka Taskiyadu waxa uu ku yimaadaa laba muuqaal midkood:
1.      Labadii garab ee tartamay garab inuu ka tanaasulo doorasho kale inuu galo sanadka laga guulaystay sanadada ku xiga, iyagoo heli kari waayay cod u gooya doorasho inay galaan.
2.      Garabka guulsatay inuu raadiyo qancinta garabkii laga guulsatay sanadka doorashadu dhacdo sanadka ku xiga, sidaana lagu dhiso nidaam Tawaafuqa oo labada garab wax isaga tanaasuleen wada hadalo ka dib.
Maxaa Doorashooyinka Naadiga looga dhigay nidaamka Qaa’imada (Election lists) ee looga dhigi waayay  nidaamka ku dhisan hal qof hal cod(one man,one vote) si meesha looga saaro taxaalufyada ??
Horta labada nidaam ee kor ku xusaniba waa laba nidaam oo caalamiya,mid walibana waxa uu leeyahay xikmad lagu doorto iyo faaiidooyin u gaara ,laakiin waxa is waydiin leh kan naadigu hada ku shaqeeyo maxaa lagu door  biday?
Arintaa waxaan kala sheekaystay dad  badan oo xogogaal u ah naadiga ,waxay ii sheegeen bulshada somaliyeed inay tahay kala afkaar,kala deegaano iyo kala qabiilo, qaa’imadu(Election lists) waxay isu keenaysaa dad kala qabiila, kala deegaana, kala afkaara , waxayna meesha ka saaraysaa nidaamka loo yaqaan nin walba ceesaantii ceel gaysay (one man one vote) oo xitaa sii jajabin doona dadka deegaanka ama qabiilka wadaaga .
Waxay tilmaameen in hadii naadiga laga dhogo (one man one vote) ay tartami doonaan jifooyinka kusii dhex jira maamuladu iyadoo gaadhi doonta, reer qudhac jibriil qofbay wataan iyo reer warfaa negeeye ku xigeen ayay wataan.imisa jifo ayaa halkaa ku tartami doona ?imisa tuulo ayaa soo bixi doona, imika maamulo waawayn ayaa is taxaalufaystee !!
Arintan lafteeda geesta kale waxaan kala dooday dadka aaminsan Naadiga in lagusoo dabaalo nidaamka (one man one vote) iyagoo ku sababeeyay inaan cidina iska dhex waayi doonin naadiga ee cid walba cidi u guulaysan doonto, laakiin talada kumay darin jilibada qabiilada somaliyeed inay ka badan yihiin 9 jilib oo qaar qadi doonaan!! Iyo murashaxiinta badan ee isa soo tubi doona !!maamul goboleed kastaba imisa jilib ayaa ku hoos jira oo tartami doona  ?!
Marka layska soo dhaafo labadaa nidaam oo mid waliba leeyahay ceeb iyo amaan wada jira, waxa taxaalufkii kan ka horeeyay soo bandhigay Dastuurka naadiga in wax laga bedelo iyagoo u saaray gudi farsamo ,inkastaanan ku jirin gudidaa hadana waxa aan la socoday qodabadii ay soo jeediyeen oo kala ahaa  .
1.      Naadiga in loo sameeyo gudi odayaala .
2.      Naadiga in lagusoo gaabiyo idaaradiisa 9 xubnood, iyadoo ahayd 12 xubnood ,meeshana laga saaro gabi ahaanba kuraastii ku xigeenka, marka laga reebo gudoomiye ku xigeenka .
3.      Doorashada naadiga in laga dhigo One man one vote.
Waxaan xubin ka noqday gudidii masuuliyiinta ka ahaa Ansixinta qodobadaa markii loo bandhigayay golaha guud ee naadiga ,waxa naadiga xiligaa gudoomiye ka ahaa Cabdinaasir , markii codkii guud ee ardayda la tiriyay waxay ogolaadeen qodobka 2aad waxayna aqlabiyad ku diideen labada qodob ee kala ah 1.3.waxana sidaa ku buray qodabadii la diiday.  
Waxa is waydiin leh maxaa laga faa’iidaa Naadiga ?!
Hadii aan jawaabta oo kooban isku dayo
1.      Naadigu waxa uu ka kooban yahay Arday+idaaro+goob+sharciyad .
Aridayda somaliyeed oo tira ahaan gaadha xiliyada qaar 1000 arday iyo wax ka badani inay helaan maamul iyo goob ay kusoo bandhigi karaan nashaadkooda, kuna qaadan karaan cawayskooda, kuna qaabili karaan madaxdooda, waa arin muhimadeeda leh.
Xarunta naadigu waxay qaadaa 200 arday marka kulan jiro, mana jiro Markas ama jimciyad somalidu ku leedahay dalkan masar oo leh hool intaa leeg,sidoo kale goobta naadigu waxay ku ag taalaa naadiyadii kale ee afrika.
Naadiga waxa laga faaiidaa tababar uu qofka idaarada ahi ku qaato sanadka uu ka hawl gelayo ,isagoo ku kala barta dhaqanada iyo dabeecadaha soomaalida ,waxakale oo uga kordha waayo aragnimo xaga maamulka ah,halka ardayda ku cawaysa ama ku xidhani ku wadaagaan is barasho iyo saaxiibtinimo qoto dheer .
Naadigu waa goob soo jirtay wakhti ka badan 60 sano ,waxana isku soo  bedelay jiilal kala duwan,waxa  sharaf iyo magac u ah ardayga nasiib u hela inuu ka hawl galo inuu dadka la wadaago kartidiisa iyo aqoontiisa, marka uu ka tegayana waxa uu ka qaataa shahaado khibrada oo naadiga iyo safaaradu si wada jira u siiyaan ,waxa intaa dheer inuu la kulmo xili shaqeedkiisa madax iyo masuuliyiin kala duwan oo somaliyeed.
Waa laga yaabaa dadka qaar inay is yidhaahdeen waxba kamaydaan faa'idin, laakiin waxaan hubaa sanad aad ka shaqayso naadiga somaliyeed inuu u dhigmo 2 sano oo waxbarasho ah oo aad buug ka baranaysay maamulka iyo maaraynta .
Idaarooyinku makasoo baxaan wixii loo igmado ?
Dadka qaar waxay u fahmaan Naadigu inuu ku fashilmay wixii loo aasaasay ,iyagoo isha geliya khilaafka iyo muranada ka dhasha doorashooyinka, kana niyad jaba sida wax u socdaan.
Naadigu waxa uu leeyahay hawl sanadeed u qorshaysan oo idaaro kastaa kasoo baxdo sida .
1.      Agaasinka xafladaha Qaranka iyo maalmaha xornimada.
2.      Agaasinka xaflada qalin jabinta ee sanadlaha ah .
3.      Soo dhawaynta ardayda dalka imanaysa iyo ka war hayntooda.
4.      Qaabilida madaxda dalka ka timaada iyo soo dhawayntooda.
5.      Agaasinka rixlooyinka iyo dalxiisyada ardaydu codsato .
6.      U metelida ardayda somaliyeed shirarka dawliga ah.
7.      Qaban qaabinta muxaadarooyinka iyo wacyi gelinta ardayda.
8.      Dibu hagaajinta xarunta naadiga iyo kor u qaadka bilicdiisa.
9.      ka war haynta ardayda jeelasha gasha iyo isku dayga soo dayntooda.
Hadaba iyadoo idaarooyinku kala firfircoon yihiin,hadana waxay wax ka qabtaan qodobadaa kor ku xusan,waliba waxay ku shaqeeyaan bilaash iyagoon cidna kaga helin taakulayn iyo caawimo.
Cabashooyinka Naadiga ka yimaada.
Naadigu waa goob lagu tartamo, tartan lagama waayo cabasho iyo dareen ka dhasha, hadana waxa  badan faaiidooyinka laga helo tartanka, waayo waxa lagu baranayaa dimuquraadiyada ,maanta qofka aan yeelayn sanduuq in lagaga badiyo sidee dalka dhexdeeda uu uga garaabi doonaa doorasho in laga helo. ?
Waxa mar is taxaalufaystay Somaliland iyo badhtamaha somaliya, halka dhinaca kalana ay iska taxaalufaysteen Konfur galbeed+Puntland+banaadir ,waxa labdaa taxaaluf badiyay ka danbe ,waxa hal mar doorashadii ku dhacay dhamaan murashixiintii somaliland naadiga uga sharaxnaa kkkk.
Xiligaa Somaliland ku khasaartay doorashooyinka naadiga waxaan ahaa gudoomiyaha ardayda Somaliland ,waxana gudida iyo waxgaradka ardayda Somaliland iigu yidheen habeenadii ka danbeeyay doorashada naadiga kulan ay kaga hadlayeen siday wax u dhaceen iyo cida ka masuulka ahayd khasaaraha ka dhashay doorashada .
Waxa habeenkaa lagu wada qancay qodobo ahaa :
1.      doorasho marka la galo in lagu guulaysan karo laguna khasaari karo.
2.      taxaalufka naadiga ku guulaystay inaanu ahayn taxaaluf ku dhisan qabiil ee uu yahay taxaaluf ku dhisan maslaxad,waayo ma jirin qabiil ka dhexeeyay konfur galbeed ,puntland iyo muqdisho.
3.      Somaalidu inaanay mar walba u dhamaan Karin maamulka naadiga balse ay tahay in lala shaqeeyo cida doorashada ku guulaysta .
4.      Somaliland urur ahaan  naadiga  inuu wax ka maamulo marka taxaalufka uu ka tirsanyahay guulaysto ,marka laga guulaystana uu la shaqeeyo dadka ku guulaysta naadiga si loo ilaaliyo sharciyada sanduuqa iyo dimuquraadiyada.
5.      Doorasho marka ururka Somaliland gelayo inuu la yimaado diyaar garawgeeda.
Markii sidaa looga guulaystay Somaliland ee ay doorashada ku wada dhaceen,lagama maqal Somaliland looma dhama naadiga iyo qabiilo ayaa haysta ee waxay dhinaca ka raaceen ardayda somaliyeed, iyagoo siiyay idaaradii guulaysatay taageero iyo garab istaagba, waxayna naadiga ka maqnaayeen 2 sano oo aan cidna laga maqal naadiga looma dhama , maxaa maanta loogu cel celinayaa naadiga looma dhama ? goormaa loo dhamaan jiray miyaan cid laga badin jirin?? Cida laga badiyaana miyaanay la shaqayn jirin cida badisay ??!
Naadigu waa goob lagu baran karo maamulka iyo is taxaalufaysiga ,wax maslaxada oo dhex taala oo cidii laga guulaystaa ku waayaysaana ma jirto ,wax xaqa oo kaga lumayaana ma jiro markaa in la dhaafiyo xadkiisa maaha .
Taxaalufka hada naadiga hogaaminaya waxa uu ka kooban yahay sadex deegaan oo kala ah Puntland,Somaliland,Konfur galbeed, waxa kulmiyaa waa maslaxad ee ma kulmiyo qabiil iyo deegaan,mid walibana waxa uu leeyahay maamulkiisa iyo qaraarkiisa u gaarka ah ,waxayna ku wada socdaan sinaan iyo heshiisyada ay galaan.
Ugu danbayn way fiicantahay raadinta tawaafuq wada raali geliya deegaanada iyo ardayda somaliyeed ee dalka masar ,balse hadii la waayo tawaafuq waa in lagu kala baxo doorasho .
Taxaalufka naadiga hogaaminaya waxaan kula talin lahaa hadii uu jiro wada hadal dhaba oo taxaalufyada kasoo horjeedaa ugu baaqeen inay ajiibaan,una ogolaadaan wixii xaq ay u arkaan,  wayo hadii lakala badiyo macnaheedu maaha kaalay iga badi ee waxa fiican in laysu dabco oo mar walba lasoo dabaalo tawaafuqa naadiga iyo wada jirka guud ee ardayda.
Gunaanadkii ciwaanka aan siiyay qormadu munaasib maaha ,waxaan uga jeeday in qofka uu soo jiito oo uu is yidhaa bal cida uu leeyahay way badanisayaa eeg,ilaahay ayaa og cida helaysa doorashada ,laguma kala badiyo tiro keliya ee tayana waa lagu kala badin karaa,hala kala badiyana ma lihi ee waxaan leeyahay hadii la tartamayana saaxiibtinimo halagu tartamo hadii tawaafuq lagu dhisayana saaxiibtinimo halagu dhiso.
Waxa mar nagusoo booqday xarunta naadiga Daahir geele oo si kaftana noogu yidhi waar hada labadaa qol ee aad yaraysanaysaan waxay burburin gaadheen xidhiidhka somaliya iyo Masar, waxa uu nooga waramay idaaradii isaga ka horayay oo ku beegnayd qiyasahii 1987 inay safaaradii somalidu lakala safatay laba taxaaluf oo naadiga ku tartamay, ka dibna kuwii guulaystay ay ka qufushay naadiga ,waxa soo fara geliyay Amniga dalka masar oo jabiyay qufulkii safaaradu ku xidhay naadiga, amarna ku siiyay safiirkii soomalida ee xiligaa inuu ku ekaado safaaradiisa, waxa dalka safar ku yimi Jaale Maxamed siyaad barre oo la kulmay idaaradaa safaarada ay isku dhaceen isagoo kula kaftamay “ waar caalamka khilaafkeena ha tusina ee kaalaya dalka naga dhex mucaarada’.
Waxa naadiga soo maray dad badan oo raad ku yeeshay bulshada somaliyeed dhexdeeda, waxa ka mida Daahir geele,Yuusuf xasan oo BBC wariye ka noqday oo ilaa hada sawirkiisu sudhan yahay naadiga ,yusuf aloore oo ganacsade ah iyo qaar kale oo dhawaan ku lahaa aragti iyo abaabul oo ay ka mid yihiin Mahad salaad oo ah wasiiru dawlaha madaxtooyada somaliya iyo madaxa nabad sugida Somaliya cabdiraxman tuuryare,saalax oo ka shaqeeya wasaarada arimaha debeda,liibaan oo ka sheeqeeya wasaarada arimaha gudaha iyo qaar kale oo badan hore iyo dibba.
Waxa naadiga lagu casuumay 2009 C/raxman faarax ismaaciil(kaba wayne) oo safiir ka ahaan jiray dalka masar,waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa gudidii lagu aasaasay naadiga isagoo qabtay jagada Sakrateer, waxa uu tilmaamay in lagu magacaabi jiray gudoomiyihii ugu horeeyay naadiga Sayid Axmed sheekh muuse al azhari, waxa sidoo kale uu tilmaamay Maxamuud xarbi inaanu ka mid ahayn idaarooyinkii soo maray naadiga ee isagu uu ahaa halgamaa xiliyadaa hore ka jeedin jiray naadiga khudbado iyo wacyigelin lagu xoraynayo dal-waynaha somaaliyeed .
Waxa laga yaabaa Maxamuud xarbi inuu lug ku lahaa aasaaskii naadiga balse sidaa uu sheegay C/raxman faarax inaanu ka mid noqon idaarooyinkii soo maray naadiga ,waayo xiliyadaa naadiga la aasaasayay waxa uu ahaa nin halgamaaya.
Ugumaan talo gelin inay qormadu sidaa u dheeraato ,waliba waxaan rabay inaan ku tilmaamo khaladaad ay galaan idaarooyinka naadigu balse waxaan qormadan kusoo gunaanadayaa intaas ,wabilaahi tawfiiq.