Naadiga Ardayda Somaliyeed
ee dalka Masar waa goob sharciya oo metesha maamul ahaan dhamaan Ardayda
Somaliyeed.
Naadiga Ardaydu waxa uu
leeyahay Dastuur tilmaamaya habka loo marayo hab maamulka Naadiga ,waxana
Dastuurkaa kaabis iyo wax ka bedel ku samayn kara labada gole ee Naadigu ka
kooban yahay (idaaro iyo golaha guud ) iyadoo la waafajinayo kolba duruufta iyo
baahiyaha ardayda .
15-kii sano ee ugu danbeeyay
waxa naadiga lagula kala wareegayay nidaamka Doorashooyinka, oo ku dhamaan jiray nidaamka Cod badiska ama
Taskiyada ,waxana nidaamkaa kula kala wareegay dalka intaan joogay ilaa 10
gudoomiye:
1.
Gudoomiye cabdiqani.
2.
Gudoomiye sheekh
cabdalla.
3.
Gudoomiye sheekh
cabdisamed.
4.
Gudoomiye cabdiqaadir
khayre.
5.
Gudoomiye
cabdinaasir.
6.
Gudoomiye Caamir.
7.
Gudoomiye hoolaw.
8.
Gudoomiye ibraahim aw
xasan.
9.
Gudoomiye Axmed.
10. Gudoomiye
abuukar .
Doorashooyinka naadigu waxay
soo mareen dalka Masar intaan ku sugnaa laba nidaam oo dadku isu abaabulaan:
1.
Nidaam ku dhisan
Fikir .
2.
Nidaam ku dhisan
Deegaan ama maamulo .
Xiliyada qaar waxa is dhex
galay labada nidaam ee wax lagu abaabulo, iyadoo laysku qasay deegaanka iyo
fikirka ,xiliyada qaarna waxa loo arkayay fikirka laftiisu inuu deeganada qaar
dabada ku hayo .
Fikiradii saamaynta ku
yeeshay doorashooyinka naadiga waxa ka mid ahaa ,Islaax
,ictisaam,maxaakimtii,suufiya islaax garabka damu jadiid.
Doorasho kastaa markay
imanayso waxay la iman jirtay dacaayado kala duwan,shirar iyo fadhi doceedyo ,waxayna
dhamaan jirtay iyadoo si fiican loo tartamay, waxaan xasuusanahay markii
ictisaam iyo islaax kala heleen 6/6, idaaradoo ka koobnayd 12 xubnood ,xiliyada
qaarna waa lakala badin jiray, xiliyada qaarna waxa lagula kala wareegi jiray
nidaamka Taskiyada.
Doorasho kastaa markay
dhamaato waxay ka tegi jirtay kaftan iyo cabasho ,laakiin waxa laysla sugi
jiray dhamaadka sanadka ama taxaalufka ku guulaystay inta uu ka burburayo .
Naadigu waa goob ka duwan
Jimciyad,Markas iyo Urur si gaara dad gaari u samaysteen,waa goob kulmisa 5-ta
Somaliyeed, waa goob astaan u ah dhamaan ardayda wax ka barata dalka masar,waa
goobta keliya ee dalka masar u aqoonsanyahay metelaada Ardayda,sidaa darteed
go’aanka naadiga iyo maamulkiisu kuma iman karo sifo aan ahayn Doorasho ama hala
codeeyo ama taskiyo haku dhamaatee,waayo waa goob arday kastaa aragti ku
leeyahay taladeeda.
Waxa laga yaabaa dadka qaar
inay is waydiiyaan maxaa diidaya in lagu tago naadiga nidaamka (tawaafuqa )oo
ah in dad lagu heshiiyay idaaro laga dhigo ?! way dhacdaa xiliyada qaar waana
muuqaal ka mida muuqaalada taskiyada.
Nidaamka Taskiyadu waxa uu
ku yimaadaa laba muuqaal midkood:
1.
Labadii garab ee
tartamay garab inuu ka tanaasulo doorasho kale inuu galo sanadka laga
guulaystay sanadada ku xiga, iyagoo heli kari waayay cod u gooya doorasho inay
galaan.
2.
Garabka guulsatay
inuu raadiyo qancinta garabkii laga guulsatay sanadka doorashadu dhacdo sanadka
ku xiga, sidaana lagu dhiso nidaam Tawaafuqa oo labada garab wax isaga
tanaasuleen wada hadalo ka dib.
Maxaa Doorashooyinka Naadiga
looga dhigay nidaamka Qaa’imada (Election lists) ee looga dhigi waayay nidaamka ku dhisan hal qof hal cod(one
man,one vote) si meesha looga saaro taxaalufyada ??
Horta labada nidaam ee kor
ku xusaniba waa laba nidaam oo caalamiya,mid walibana waxa uu leeyahay xikmad
lagu doorto iyo faaiidooyin u gaara ,laakiin waxa is waydiin leh kan naadigu
hada ku shaqeeyo maxaa lagu door biday?
Arintaa waxaan kala
sheekaystay dad badan oo xogogaal u ah
naadiga ,waxay ii sheegeen bulshada somaliyeed inay tahay kala
afkaar,kala deegaano iyo kala qabiilo, qaa’imadu(Election lists) waxay isu
keenaysaa dad kala qabiila, kala deegaana, kala afkaara , waxayna meesha ka
saaraysaa nidaamka loo yaqaan nin walba ceesaantii ceel gaysay (one man one
vote) oo xitaa sii jajabin doona dadka deegaanka ama qabiilka wadaaga .
Waxay tilmaameen in hadii
naadiga laga dhogo (one man one vote) ay tartami doonaan jifooyinka kusii dhex
jira maamuladu iyadoo gaadhi doonta, reer qudhac jibriil qofbay wataan iyo reer
warfaa negeeye ku xigeen ayay wataan.imisa jifo ayaa halkaa ku tartami doona
?imisa tuulo ayaa soo bixi doona, imika maamulo waawayn ayaa is taxaalufaystee
!!
Arintan lafteeda geesta kale
waxaan kala dooday dadka aaminsan Naadiga in lagusoo dabaalo nidaamka (one man
one vote) iyagoo ku sababeeyay inaan cidina iska dhex waayi doonin naadiga ee
cid walba cidi u guulaysan doonto, laakiin talada kumay darin jilibada
qabiilada somaliyeed inay ka badan yihiin 9 jilib oo qaar qadi doonaan!! Iyo
murashaxiinta badan ee isa soo tubi doona !!maamul goboleed kastaba imisa jilib
ayaa ku hoos jira oo tartami doona ?!
Marka layska soo dhaafo
labadaa nidaam oo mid waliba leeyahay ceeb iyo amaan wada jira, waxa
taxaalufkii kan ka horeeyay soo bandhigay Dastuurka naadiga in wax laga bedelo
iyagoo u saaray gudi farsamo ,inkastaanan ku jirin gudidaa hadana waxa aan la
socoday qodabadii ay soo jeediyeen oo kala ahaa .
1.
Naadiga in loo
sameeyo gudi odayaala .
2.
Naadiga in lagusoo gaabiyo
idaaradiisa 9 xubnood, iyadoo ahayd 12 xubnood ,meeshana laga saaro gabi
ahaanba kuraastii ku xigeenka, marka laga reebo gudoomiye ku xigeenka .
3.
Doorashada naadiga in
laga dhigo One man one vote.
Waxaan xubin ka noqday
gudidii masuuliyiinta ka ahaa Ansixinta qodobadaa markii loo bandhigayay golaha
guud ee naadiga ,waxa naadiga xiligaa gudoomiye ka ahaa Cabdinaasir , markii
codkii guud ee ardayda la tiriyay waxay ogolaadeen qodobka 2aad waxayna aqlabiyad
ku diideen labada qodob ee kala ah 1.3.waxana sidaa ku buray qodabadii la
diiday.
Waxa is waydiin leh maxaa
laga faa’iidaa Naadiga ?!
Hadii aan jawaabta oo kooban
isku dayo
1. Naadigu
waxa uu ka kooban yahay Arday+idaaro+goob+sharciyad .
Aridayda
somaliyeed oo tira ahaan gaadha xiliyada qaar 1000 arday iyo wax ka badani inay
helaan maamul iyo goob ay kusoo bandhigi karaan nashaadkooda, kuna qaadan
karaan cawayskooda, kuna qaabili karaan madaxdooda, waa arin muhimadeeda leh.
Xarunta
naadigu waxay qaadaa 200 arday marka kulan jiro, mana jiro Markas ama jimciyad somalidu
ku leedahay dalkan masar oo leh hool intaa leeg,sidoo kale goobta naadigu waxay
ku ag taalaa naadiyadii kale ee afrika.
Naadiga
waxa laga faaiidaa tababar uu qofka idaarada ahi ku qaato sanadka uu ka hawl
gelayo ,isagoo ku kala barta dhaqanada iyo dabeecadaha soomaalida ,waxakale oo
uga kordha waayo aragnimo xaga maamulka ah,halka ardayda ku cawaysa ama ku
xidhani ku wadaagaan is barasho iyo saaxiibtinimo qoto dheer .
Naadigu
waa goob soo jirtay wakhti ka badan 60 sano ,waxana isku soo bedelay jiilal kala duwan,waxa sharaf iyo magac u ah ardayga nasiib u hela
inuu ka hawl galo inuu dadka la wadaago kartidiisa iyo aqoontiisa, marka uu ka
tegayana waxa uu ka qaataa shahaado khibrada oo naadiga iyo safaaradu si wada
jira u siiyaan ,waxa intaa dheer inuu la kulmo xili shaqeedkiisa madax iyo
masuuliyiin kala duwan oo somaliyeed.
Waa
laga yaabaa dadka qaar inay is yidhaahdeen waxba kamaydaan faa'idin, laakiin
waxaan hubaa sanad aad ka shaqayso naadiga somaliyeed inuu u dhigmo 2 sano oo
waxbarasho ah oo aad buug ka baranaysay maamulka iyo maaraynta .
Idaarooyinku
makasoo baxaan wixii loo igmado ?
Dadka
qaar waxay u fahmaan Naadigu inuu ku fashilmay wixii loo aasaasay ,iyagoo isha
geliya khilaafka iyo muranada ka dhasha doorashooyinka, kana niyad jaba sida wax
u socdaan.
Naadigu
waxa uu leeyahay hawl sanadeed u qorshaysan oo idaaro kastaa kasoo baxdo sida .
1. Agaasinka
xafladaha Qaranka iyo maalmaha xornimada.
2. Agaasinka
xaflada qalin jabinta ee sanadlaha ah .
3. Soo
dhawaynta ardayda dalka imanaysa iyo ka war hayntooda.
4. Qaabilida
madaxda dalka ka timaada iyo soo dhawayntooda.
5. Agaasinka
rixlooyinka iyo dalxiisyada ardaydu codsato .
6. U
metelida ardayda somaliyeed shirarka dawliga ah.
7. Qaban
qaabinta muxaadarooyinka iyo wacyi gelinta ardayda.
8. Dibu
hagaajinta xarunta naadiga iyo kor u qaadka bilicdiisa.
9. ka
war haynta ardayda jeelasha gasha iyo isku dayga soo dayntooda.
Hadaba iyadoo idaarooyinku
kala firfircoon yihiin,hadana waxay wax ka qabtaan qodobadaa kor ku
xusan,waliba waxay ku shaqeeyaan bilaash iyagoon cidna kaga helin taakulayn iyo
caawimo.
Cabashooyinka Naadiga ka
yimaada.
Naadigu waa goob lagu
tartamo, tartan lagama waayo cabasho iyo dareen ka dhasha, hadana waxa badan faaiidooyinka laga helo tartanka, waayo
waxa lagu baranayaa dimuquraadiyada ,maanta qofka aan yeelayn sanduuq in lagaga
badiyo sidee dalka dhexdeeda uu uga garaabi doonaa doorasho in laga helo. ?
Waxa mar is taxaalufaystay
Somaliland iyo badhtamaha somaliya, halka dhinaca kalana ay iska
taxaalufaysteen Konfur galbeed+Puntland+banaadir ,waxa labdaa taxaaluf badiyay
ka danbe ,waxa hal mar doorashadii ku dhacay dhamaan murashixiintii somaliland naadiga
uga sharaxnaa kkkk.
Xiligaa Somaliland ku
khasaartay doorashooyinka naadiga waxaan ahaa gudoomiyaha ardayda Somaliland ,waxana
gudida iyo waxgaradka ardayda Somaliland iigu yidheen habeenadii ka danbeeyay
doorashada naadiga kulan ay kaga hadlayeen siday wax u dhaceen iyo cida ka
masuulka ahayd khasaaraha ka dhashay doorashada .
Waxa habeenkaa lagu wada
qancay qodobo ahaa :
1.
doorasho marka la
galo in lagu guulaysan karo laguna khasaari karo.
2.
taxaalufka naadiga ku
guulaystay inaanu ahayn taxaaluf ku dhisan qabiil ee uu yahay taxaaluf ku
dhisan maslaxad,waayo ma jirin qabiil ka dhexeeyay konfur galbeed ,puntland iyo
muqdisho.
3.
Somaalidu inaanay mar
walba u dhamaan Karin maamulka naadiga balse ay tahay in lala shaqeeyo cida
doorashada ku guulaysta .
4. Somaliland urur ahaan naadiga inuu wax ka maamulo marka taxaalufka uu ka tirsanyahay guulaysto ,marka
laga guulaystana uu la shaqeeyo dadka ku guulaysta naadiga si loo ilaaliyo
sharciyada sanduuqa iyo dimuquraadiyada.
5.
Doorasho marka ururka
Somaliland gelayo inuu la yimaado diyaar garawgeeda.
Markii sidaa looga
guulaystay Somaliland ee ay doorashada ku wada dhaceen,lagama maqal Somaliland looma
dhama naadiga iyo qabiilo ayaa haysta ee waxay dhinaca ka raaceen ardayda
somaliyeed, iyagoo siiyay idaaradii guulaysatay taageero iyo garab istaagba,
waxayna naadiga ka maqnaayeen 2 sano oo aan cidna laga maqal naadiga looma
dhama , maxaa maanta loogu cel celinayaa naadiga looma dhama ? goormaa loo
dhamaan jiray miyaan cid laga badin jirin?? Cida laga badiyaana miyaanay la
shaqayn jirin cida badisay ??!
Naadigu waa goob lagu baran
karo maamulka iyo is taxaalufaysiga ,wax maslaxada oo dhex taala oo cidii laga
guulaystaa ku waayaysaana ma jirto ,wax xaqa oo kaga lumayaana ma jiro markaa
in la dhaafiyo xadkiisa maaha .
Taxaalufka hada naadiga
hogaaminaya waxa uu ka kooban yahay sadex deegaan oo kala ah Puntland,Somaliland,Konfur
galbeed, waxa kulmiyaa waa maslaxad ee ma kulmiyo qabiil iyo deegaan,mid
walibana waxa uu leeyahay maamulkiisa iyo qaraarkiisa u gaarka ah ,waxayna ku
wada socdaan sinaan iyo heshiisyada ay galaan.
Ugu danbayn way fiicantahay
raadinta tawaafuq wada raali geliya deegaanada iyo ardayda somaliyeed ee dalka
masar ,balse hadii la waayo tawaafuq waa in lagu kala baxo doorasho .
Taxaalufka naadiga hogaaminaya
waxaan kula talin lahaa hadii uu jiro wada hadal dhaba oo taxaalufyada kasoo
horjeedaa ugu baaqeen inay ajiibaan,una ogolaadaan wixii xaq ay u arkaan, wayo hadii lakala badiyo macnaheedu maaha
kaalay iga badi ee waxa fiican in laysu dabco oo mar walba lasoo dabaalo
tawaafuqa naadiga iyo wada jirka guud ee ardayda.
Gunaanadkii ciwaanka aan
siiyay qormadu munaasib maaha ,waxaan uga jeeday in qofka uu soo jiito oo uu is
yidhaa bal cida uu leeyahay way badanisayaa eeg,ilaahay ayaa og cida helaysa
doorashada ,laguma kala badiyo tiro keliya ee tayana waa lagu kala badin karaa,hala
kala badiyana ma lihi ee waxaan leeyahay hadii la tartamayana saaxiibtinimo
halagu tartamo hadii tawaafuq lagu dhisayana saaxiibtinimo halagu dhiso.
Waxa mar nagusoo booqday
xarunta naadiga Daahir geele oo si kaftana noogu yidhi waar hada labadaa qol ee
aad yaraysanaysaan waxay burburin gaadheen xidhiidhka somaliya iyo Masar, waxa
uu nooga waramay idaaradii isaga ka horayay oo ku beegnayd qiyasahii 1987 inay
safaaradii somalidu lakala safatay laba taxaaluf oo naadiga ku tartamay, ka
dibna kuwii guulaystay ay ka qufushay naadiga ,waxa soo fara geliyay Amniga
dalka masar oo jabiyay qufulkii safaaradu ku xidhay naadiga, amarna ku siiyay
safiirkii soomalida ee xiligaa inuu ku ekaado safaaradiisa, waxa dalka safar ku
yimi Jaale Maxamed siyaad barre oo la kulmay idaaradaa safaarada ay isku
dhaceen isagoo kula kaftamay “ waar caalamka khilaafkeena ha tusina ee kaalaya dalka naga dhex mucaarada’.
Waxa naadiga soo maray dad
badan oo raad ku yeeshay bulshada somaliyeed dhexdeeda, waxa ka mida Daahir
geele,Yuusuf xasan oo BBC wariye ka noqday oo ilaa hada sawirkiisu sudhan yahay
naadiga ,yusuf aloore oo ganacsade ah iyo qaar kale oo dhawaan ku lahaa aragti
iyo abaabul oo ay ka mid yihiin Mahad salaad oo ah wasiiru dawlaha madaxtooyada
somaliya iyo madaxa nabad sugida Somaliya cabdiraxman tuuryare,saalax oo ka
shaqeeya wasaarada arimaha debeda,liibaan oo ka sheeqeeya wasaarada arimaha
gudaha iyo qaar kale oo badan hore iyo dibba.
Waxa naadiga lagu casuumay
2009 C/raxman faarax ismaaciil(kaba wayne) oo safiir ka ahaan jiray dalka
masar,waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa gudidii lagu aasaasay naadiga isagoo
qabtay jagada Sakrateer, waxa uu tilmaamay in lagu magacaabi jiray gudoomiyihii
ugu horeeyay naadiga Sayid Axmed sheekh muuse al azhari, waxa sidoo kale uu
tilmaamay Maxamuud xarbi inaanu ka mid ahayn idaarooyinkii soo maray naadiga ee
isagu uu ahaa halgamaa xiliyadaa hore ka jeedin jiray naadiga khudbado iyo
wacyigelin lagu xoraynayo dal-waynaha somaaliyeed .
Waxa laga yaabaa Maxamuud
xarbi inuu lug ku lahaa aasaaskii naadiga balse sidaa uu sheegay C/raxman
faarax inaanu ka mid noqon idaarooyinkii soo maray naadiga ,waayo xiliyadaa
naadiga la aasaasayay waxa uu ahaa nin halgamaaya.
Ugumaan talo gelin inay qormadu sidaa u dheeraato ,waliba waxaan rabay inaan ku tilmaamo khaladaad ay
galaan idaarooyinka naadigu balse waxaan qormadan kusoo gunaanadayaa intaas
,wabilaahi tawfiiq.