الأربعاء، 25 مارس 2015

dagaalka Yaman lagu qaaday waa gardaro iyo guul daro





Dadka Yaman waxa lagu yiqiin xikmad iyo gobonimo xeel dheer,waxay caan ku yihiin geesinimo iyo wanaag xad-dhaafa,mana gayaan dagaal iyo duqayn cirka ah oo lagu qaado iyagoo ku jira duruuf adag.

Xadiis bukhaari iyo Muslim wariyeen waxa rasuulku ku yidhi nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee {waxa idiin yimi ehelkii Yaman,iyagaa ugu qalbi jilicsan uguna qalbi fiican,iimaanku waa Yaman,xikmaduna waa Yaman},waa dad ku fiican tolnimada iyo kaalmaynta aadamaha,waa dad ka dhaqan fiican Carab oo dhan ,waa dad Sunigooda iyo shiicadoodaba laga nabad galay.

Markii Shacabka Somaliyeed ku qaxeen dalka Yaman waxay usoo dhaweeyeen sifo wanaagsan oo ay ku dheehantahay walaaltinimo iyo wanaag,halka carabtii kale albaabada kasoo xidhatay qoxoontigii somaliya ee duruufta adagi haysatay,waxayna yamani noqotay mid ka mida kaamamka ugu waawayn ee soomalidu ku bad-baaday.

Dadka Yamani iyagaa xaq u leh waxay rabaan,iyagaa xaq u leh inay heshiiyaan ama dagaalamaan dhexdooda,uma baahna faragelin debada ah ee waxay u baahnaayeen heshiisiin iyo walaaltinimo in lagu dhexdhexaadiyo.

Sodonkii sano ee ugu danbeeyay waxa maamulayay dalka Yaman  Shiico aaminsan Calmaaniyada oo boobay dhaqaalihii dalka ,una gacan geliyay dalka Yaman quwado shisheeye,iyadoo dalka maraykanku iska duqayn jiray iyadaan cidna looga fasax qaadan.

Hadaba markii dadka Yaman iska tureen keli taliskii Cali Cabdalla Saalax wax gargaara looma fidin ee waxa isaga loo sameeyay heshiis maqaar saara oo lagaga bad-baadinayay Maxkamad lasoo taago,waxana shacabka Yaman ogolaadeen iyagoo diidanaa dagaal sokeeye inuu iska tago xisaab la'aan.

Waxa dalka Yaman la wareegay Shiico kale oo garabka Xuusiyiinta ah,waxa arintaa kaalmo laxaadleh ka gaystay garabkii shiicada ahaa{saydiyo} ee cali cabdalla saalax iyo xukuumadaha reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykan,waxana garabkani rabaan xukunka dalka iyo inay soo  dabaalaan  nabadii iyo kala danbayntii una horseedaan dalka horu-mar iyo madax banaani.

Markii ugu horaysay ee Yaman lagula wareego xoog maaha,waxa hore xoog ku qabsaday kuna maamulay Cali Cabdalla Saalax, iyadoo waliba xoog lagu qabsaday Yamantii koonfureed, waxase layaab leh waxa maanta loogu kala hiilinayo dadka yamanta loona taageeri layahay kuwa xooga badan ee daacada ka ah hogaaminta dalka!

Anigu waxaan aaminsanahay Shiico calmaaniya oo daba dhilifi intuu Yaman xukumi lahaa inuu xukumo Xuusi aaminsan xoriyad, oo la shaqaysanaya dawlad ka daacada waxay aaminsantahay {Eeraan}.

Dagaalka Carabtu ku qaaday Yaman waa gardaro aan geedna loogusoo gaban,sababtuna waxay tahay dadka Yaman qabsaday waa dad yamana ee maaha cadaw debeda kagasoo duulay.

Dagaalka waad bilaabi kartaa laakiin uma qorshayn kartid sida aad rabto,natiijada uu ku dhamaan doono iyo khasaaraha ka dhalan doona,waxana hubaala dagaalka yaman inaan loo baahnayn xiligan,iyadoo adag sida guul muuqata looga gaadho,marka la eego dhulka yaman ee  buuralayda ah iyo kala daadsanaanta carabta ee ka dhalatay aragti la'aanta ka haysatada maamul wanaaga,suurtagal maaha waxa carabi is hortaagi doontaa dhaqdhaqaaqyada islaamiyiinta ee siyaasiga ah ama shiico ha noqdaan ama sunniye.

Carabtu  waxay dagaal kula jireen shiicada Ciraaq,Suuriya,Lubnaan,Yaman balse hada midna kama hayaan guul la taaban karo,taasna waxa hor seeday aragti xumada iyo musuqmaasuqa ay ku jiraan hogaanka carbeed.

Duqaynta Sucuudiga iyo xulafadiisa waxa ka dhalan doona barakac iyo khasaare balaadhan oo soo gaadha dadka rayidka ah taasina kama dhigi doonto dagaalka talaabo geesinimo ah .