الثلاثاء، 31 مارس 2015

Qiblada iyo lacagtaba sucuudigaa leh




Xiliyadii qandaraasyada badan ee misaajid dhiska lagasoo qaatay khaliijka waxa is cumaamaday dhawr oday oo sucuudiga hore ugasoo xamaashay,waxay qandaraas kusoo qaateen dhawr misaajid ,markii seeska loo dhigay misaajidka ee la damcay xaga qiblada in lagu hagaajiyo, ayaa xoogaa lagu murmay qibladii xagay aadka ugu toosantahay,odayaashii qandaraaska soo qaatay oo aan diinta wax badan ka aqoon, ayaa wastaadiintii dagaalay oo yidhi: waar maxaad la murmaysaan xaga sucuudiga u jeediya qiblada iyo lacagta lagu dhisayba isagaa leh'e !!

                          ***************************************

oday adhiga ka rari jiray Berbera oo aan isagu dhaafi jirin dekeda ayaa maalintii danbe yidhi waxaan raacayaa ilaa saylada,waxa uu maskaxda ku hayay in dilaalin tira badani kasoo hor yaaci,gorgortan laga geli iibinta adhiga, siduu u kala shilis yahay loo kala hor iibsan ,markii adhigii sucuudiga soo gaadhay waxa loo duway meel adhiga lagu qalo ,waxana niman loogu tala galay la dhex qaadeen birta,odaygii intuu yaabay ayuu yidhi: waar adhiga birta ka daaya sayladii lamasoo marine ,nin la socoday oo shaqada garanayaa yidhi: adhiga lacagtiisa waa la shubay ee u kaadi, odaygii intuu yabay ayuu yidhi: ma duuduubaa looga hayaa? haa ayuu ninkiina ugu jawaabay, markaasuu odaygii yidhi: dee hadaa aan la qallnee anakana midi noo dhiiba dheh !! hada lacagtii duqaynta yaman waa la shubay cid waliba waxay doonaysaa birta in loo dhiibo !!