الأربعاء، 15 أبريل 2015

Beesha Caalamka iyo dibu qaabaynta Somaliya.




Siyaasada Somaliya waxa hogaamiya beelaha gudaha iyo beelaha debeda oo loo yaqaano  beesha caalamka .
Beelaha gudaha waxa maamula Salaadiin,Cuqaal,iyo koofiyad baclayaal siyaasiyiina,waxana kala duwan aragtida beelaha, iyadoo beel waliba aaminsantahay iyada la’aanteed inaan waxba kala socon Karin.

Beelaha debada (beesha caalamka) waxa ugu tun wayn kuwa loo yaqaan shanta golaha amaanka(veto power) waxayna ku kala maslaxad duwan yihiin qaabka somaliya dib loogu dhisayo laakiin way u kala fara dhuudhuuban yihiin oo arimaha somaliya waxa usii dhuun daloola Maraykan iyo ingiriis.

Waxa kaloo jira beelaha gobolka oo ka tirsan beesha caalamka, laakiin ood-wadaag la ah Somaliya, sida Kiniya,itoobiya, iyo kuwa carabta oo iyaga laftoodu saamayn xoogan ku leh arimaha somaliya, waliba marka lagu daro talyaaniga oo ka mida kuwii gumaysan jiray somaliya.

Dadka faaleeya siyaasada Somaliya ama raba inay ka hawl galaan waxa ku adkaata laba arimood oo kala ah :

1.     Beelaha somaliya siday wax ugu heshiin karaan.
2.     Sida beesha caalamku ugu heshiin karto masaalixda ay ka leedahay somaliya.


Waa dhab siyaasada somaliya inay u dhaxayso hirdanka beelaha debada(beesha caalamka) iyo hirdanka beelaha gudaha (reeraha) balse hada waxaad moodaa wax badani inay soo kala miir dilaacayaan.

Qofba siday la tahay marka uu eego hada siday wax u socdaan,anigana waxay ila tahay beesha caalamku halkay u socataa inay hada cadahay qofkii is-diisiinaya iyo kii is-yeelsiinayaba .

Beesha caalamku dhibta somaliya ka jirta waxay u kala qaaday laba ,waa siday ila tahay hadana ifa-faalaheedu muuqdo :

1.     Khilaafka u dhexeeya koonfurta dhexdeeda .
2.     Khilaafka u dhexeeya somaliya iyo Somaliland.

Khilaafka u dhexeeya koonfurta somaliya:
Waxa wada dega koofurta somaliya beelo tiro badan,waxana dhex maray colaado iyo dhibaatooyin kala duwan ,iyadoo hadaba lasoo celinayo rajadii wada noolaanshaha, waxa beesha caalamku u martay dibu-heshiisiinta beelahaas in beel walba lagu celiyo halkay deeganka ku tahay, loogana sameeyo maamul iyadu ay majaraha u qabato.

Maamul u samaynta beelaha koonfurta somaliya waxa loogu magac daray nidaamka loo yaqaan Fadaraalka (Federal system) waxana lagu wadaa in laga hirgeliyo maamulada kala ah puntlan,jubaland,galmudgland,hiraanland,konfur galbeed iyo caasimada oo Muqdisha noqon doonta laguna maamuli doono xeer u gaara .

Marka laysku celceliyo 13 gobol ee koonfurta somaliya waxa kasoo bixi doona 5-taa maamul ama 4 maamul ,walina waxa socda isu riix-riixa gobolada iyo isu jiidka deegaanada.

Nidaamkan fadaraalka waxa wada beesha caalamka,waxa uu taageero ka helayaa aqlabiyada beelaha wada dega koonfurta somaliya ,waxana suura gala in si dhakhsa ah loogu guulaysto hirgelinta nidaamkaas.

Waxa la qaban doonaa marka la dhamaystiro maamul samayntaa ku qotonta Fadaraalka afti laga qaado dhamaan shacabka ku dhaqan koofurta somaliya, iyagoo u codayn doona aqbalida nidaamka Fadaraalka ah ee la hirgeliyay.

Hadii shaxdaa sare lagu guulaysto waxa ka dhismi doona koonfurta somaliya dawlad fadaraala oo magaceedu yahay {Federal republic of Somalia}.

Waxa halkaa beesha caalamku kusoo afmeeri doontaa bood-boodkii beelaha koofurta somaliya iyo dagaaladii qaabka daraa ee dhexdooda.

                                                         

Khilaafka u dhexeeya somaliya iyo Somaliland.

Waxa beesha caalamku la socotaa khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya inuu ka duwan yahay ka u dhexeeya beelaha koonfurta somaliya, marka la eego taariikh ahaan iyo aragti ahaanba.

Taariikh ahaan Somaliland iyo somaliya waxay ahaayeen laba dal oo midoobay,aragti ahaana hada way ku kala duwan yihiin midnimada oo Somaliland ma rabto midnimo inay la wadaagto somaliya.

Waxa intaa dheer ,somaliland oo noqotay waaqac iyo xaqiiqa jirta marka la eego,ciidanka,calanka,dadka,iyo siday ugu najaxday is maamulka iyo geediga ay jeexatay.

Iyadoo beesha caalamku ka duulaysaa labadaa qodob ee midna taariikhiga yahay, midna aragtida yahay ,waxay garawsatay inaan hal gogol lagu wada xalin Karin khilaafka somaliya dhexdeeda yaala iyo khilaafka  u dhexeeya Somaliland iyo somaliya.

Waxa beesha caalamku fidisay gogoshii lagu wada hadashiin lahaa Somaliya iyo Somaliland iyadoo dalal badani ka qayb qaateen sida turkiga,ingiriiska,jabuuti, imaaraadka iyo kuwo kale oo talooyin ku leh.

Inkastoo xiliyada qaar ay hakad galaan wada-hadalada somaliya iyo Somaliland hadana waxa dabada ka riixa oo dhiiri geliya beesha caalamka si xal looga gaadho khilaafka labada dhinac.  

Wada hadalada Somaliya iyo Somaliland waxay ku dhamaan doonaan afti in laga qaado dadka Somaliland iyagoo lakala doorran siin doono fadaraalka somaliya inay la wadaagaan iyo gooni inay isu taagaan.

Hadii natiijada codka kasoo baxa Somaliland aqlabiyadiisu noqoto gooni-isutaag waxa halkaa ka dhalan doonta dawlad magaceedu yahay Somaliland oo beesha caalamka qayb ka noqota .

                                                   

Hadii qofka caqliga lihi si dhaba ugu fiirsado Somaliland iyo somaliya waxa uu ogaanaya labadaba beesha caalamku inay wadato hirgelintooda, iyagoo kala madax banaan.

Laakiin midnimada somaliya ma noqon doonto mid marwalba meesha ka baxda ,hadii dawlad ahaan lakala diro somaliya iyo Somaliland, waxay ku heshiin doonaan iskaashi buuxa oo la xidhiidha siyaasada gobolka.

Shaxda siyaasada aan kor ku xusnay ee somaliya loo jeexay waxa beesha caalamka ku hogaaminaya ingirsiika iyo maraykan oo hada ugu tun wayn dawladaha ka hawl-gala somaliya.

Aragtida iyo qiimaynta waa lagu kala duwanaan karaa,laakiin qofku waa inuu ku saleeyo aragtidiisa hada siday wax u socdaan oo aanu ku salayn isagu waxa uu aaminsan yahay .

Ugu danbayn qormadani maaha mid xanbaarsan macluumaad cusub balse waxay ku qotontaa waxa hada banaanka yaala ee inoo wada  muuqda . hadii ay jirto shaxdan shax ka duwan oo muuqataa waxaan jeclaan lahaa in lasoo tabiyo si aan uga faaiidaysano.